HomeWarkiiMuxuu yahay qorshaha Saciid Deni uu Booliiska cusub ugu wareejinayo amniga Garowe

Muxuu yahay qorshaha Saciid Deni uu Booliiska cusub ugu wareejinayo amniga Garowe

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Ciidamo cusub oo Booliis ah dhawaan uu tababar usoo dhamaaday ayaa saaka si rasmi ah loogu wareejinayaa Magaalada Garowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntand sida aan xogta ku helnay.

Munaasanada amni ku wareejin ah ayaa lagu wadaa inay qabtaan masuuliyiinta Puntland sida Madaxweynaha ,ciidamadaan ayaa loo dhameystirey agabkooda ay ku owlgeli lahaayeen sida hubka iyo gaadiidka.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegsa in Saciid Deni Madaxweynaha Puntldn uu doonayo in meesha laga saaro booliiskii hore u joogay kuwaasoo hab beeleed u abaabulnaa wuuna ku guuleystay  saakana ugu danbeyn waxaa loo dhiibayaa ciidamo tababan aan hab beeleed u abaaulneyn.

Sidoo kale Ciidamadaani cusub waxaa lagu soo xushay aqoontooda iyo inaysan lahayn wax balad ah  waana qorshe cusub oo dhanka amniga ah loo jiheystay.

Saciid Deni oo aad u daneynaya Booliiska cusub kana soo shaqeeyay ayaa la rumeyan yahay in qorshihiisa ay tahay inuu helo ciidan isaga si toos ah u hoos taga gaar ahaan marka ay is qabtaan siyaasiyiinta mucaaradka si ay meesha uga baxdo booliis beeleed uu adeegsan karo siyaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM May be an image of one or more people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -