Waxaa xiisad siyaasadeed ay ka dhalatay kadib markii Axmed Madoobe uu si lama filaan ah u diiday in ciidamada Madaxtooyada ee ilaalada u ah Madaxweyne Xassan iyo xitaa kuwa Midowga Afrika oo la socday ay sii tagaan Magaalada Kismaayo xili iyagoo ka dhaqaaqi raba garoonka Muqdisho uu diiday Axmed Madoobe.
Xiisadaan siyaasadeed ayaa meel culus gaartay madaama ciidamadaani oo diyaarsan islamarkaana diyaaradihi qaadi lahaa ay taagan yihiin ayaa lagu qasbanaaday in dib loo dhigo safarkii ciidamadaasi markii diidmo aan la sii saadaalin ay ka timid Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe oo Nairobi ku sugan ayaa shuruud ka dhigay in marka hore isagu uu Kismaayo ku laabto kadib ciidamadaasi ay iman karaan isagoona wax aan dhici karin ku tilmaamay in isagoo maqan ay ciidamadaasi Kismaayo sii tagaan.
Warar kale ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Nairobi kula kulmay siyaasiyiin mucaaradka qaarkood sida Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shukuur Warsame,waxaana la hadal hayaa inay suuragal tahay in shirka Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe uu gabi ahaanba fashilmo kihilaafka arintaan ka dhashay darteed.
Shirka Axmed Madoobe iyo samatabixinta mucaaradka ayaa macquul ah inuu saameyn ku yeesho wada xaajoodkii lagu waday inuu Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe dhex-maro xili ay suurtagal tahay in lagu kala boodo.
Wara kale ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu shuruudo hor leh hor dhigay Dowlada isagoo dalbaday in loouliyo ka hor inta uusan Madaxweyne Xassan tagin Kismaayo taasoo iyadana xiisada sii laba jibaari karto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
