HomeWarkiiMuxuu yahay shuruuda Jubaland iyo Puntland ku xireen inay ka soo qeybga;laan...

Muxuu yahay shuruuda Jubaland iyo Puntland ku xireen inay ka soo qeybga;laan gogosha Dowladu Muqdisho dhigtay

Mucaaradka la baxay Golaha Mustaqbalka ayaa la sheegay inay si rasmi ah u aqbaleen ka qeybgalka gogosha ay Dowlada Somalia dhigtay Muqdisho kaasoo looga hadli doono arimaha la isku hayo ee doorashooyinka dalku geli doono xili doorashada ay soo dhawdahay.

Inkastoo guud ahaan mucaaradku aqbalay hadana labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ayaa Dowlada ka codsaday in loo ogolado inay Muqdisho u soo kaxeystaan hub iyo ciidan badan si amnigooda iyaga u sugtaan madaama uu jiro xurguf siyaasadeed oo kala dhexeeya Dowlada Somali.

Sidoo kale Mucaaradku waxay dalbanayaan in shirka lagu qabto xelane balse aysan aqbalayn in Madaxtooyada lagu qabto shirka.

Warar ayaa sheegaya in Dowladu diiday in Muqdisho hub lala soo galo madaama ku dhawaad sedex sano Muqdisho ay tahay magaalo amnigeeda la isku halayn karo,Dowlada waxay aqbashay inay kaliya soo wataan  ciidamo yar oo ah ilaaladooda gaarka ah ,balse ciidamo bada aan xamar looga baaneyn xiligaan.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in mucaaradku soo dirsadaan Gudi iyaga ka socda kuwaasoo Muqdisho kula kulmi doona Gudiga Dowladu hore ugu xilsaartay shirka mucaaradka waxaana hogaaminaya Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Xasan Macalin.

Lama yaqaan sida xaalku ku dhamaan doono madaama Dowladu ogoleyn hub xamar lala soo galo ,sidoo kale mucaaradka waxay diidan yihiin in shirkaan kaliya ay iyaga iyo Dowlada isla fadhiistaan iyagoona diidan in siyaasiyiin kale ay kala qeybgalaan.

XAFIISKA WARARA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -