Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay u taagan tahay sidii ay isku fahamsiin lahayd dhinacyada siyaasadda ku kala aragtida duwan ee Koofur Galbeed si wadahadal ay ugu dhammeeyaan waxyaabaha ka dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan la aqbali Karin dagaallo sokeeye & kuwa dhibaato ku ah Bulshada Deegaannada DG Koofur Galbeed sidaas awgeed Dowladda ay u taagan tahay ilaalinta mas’uuliyadda ka saaran nabadgalyada & dib u heshiisiinta.

Dhinacyada ku kala aragtida duwan Siyaasadda ee Koofur Galbeed ayuu usoo jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud in wadahadal & is faham ku dhammeeyaan waxyaabaha ka dhex jira.

“Qoriga dhulka dhiga oo gogosha isugu imaada oo is warsada oo waxa idinka qaldan iska toosiya oo ninka idin anfacaayo heysta haddii uu joogo haddii uu maqan yahay keensada oo fursad hala siiyo Dadka waana aaminsanahay in aan dhib kale jirin, siyaasad lee la isku hayaa, Siyaasadda hala dhowro, madaxda jirta hala dhowro, kuwa hamiga leh hala dhowro, 32 sano ka bacdi in aan qori isu qaado aad ayay u xun tahay, wixii talo & waano aan ka geysan karno waan ka geysaney welina waan ka geysaneynaa” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo jeediyay in xoogga la saaro sidii ‘AS’ looga saari lahaa deegaannada ay ka joogaan DG Koofur Galbeed, dhibaatooyinka ka dhashay kala aragti duwanaanta siyaasadda laga gudbi doonno.

“Dowladda Federaalka waxa ay xoog, caqli & Xoolo leedahay waxa ay isugu geyneysaa sidii xal loo heli lahaa, hal cadaw ayaan leehaya, Baydhabo intana ugama bixi kartid oo 20 KM dhinacaan kama aadi kartid macquul ma aha, meel Shabaab joogaa waxba ma jiro, walaalaha waxa aan leeyahay cadawga dhankaan ayuu naga jiraa ee dhankaas nagama jiro” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here