Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa maanta in uu booqdo Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota oo ka tirsan dhul weynaha Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doona xarunta shirarka ee Minneapolis, isaga oo markii ugu horeysay dib ugu laabanaya magaalada tan iyo sanadkii 2014-kii, oo xilligaas uu ahaa Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah 50 hoggaamiye oo Afrikaan ah oo Mareykanka u tagaya shir madaxeed uu martigelinayay Madaxweynah Dalkaas Biden, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada gobol.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa waxa uu kaga hadli doona arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay Dagaalka ay dowladdiis kula jirta Al-Shabaab kaas oo ka socda inta badan Gobollada Dalka, iyada oo Hormuud u yihiin dagaalkaas Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

Sidoo kale khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kaga hadlo xaaladda Bani’aadannimo ee ka jirta dalka, iyada oo Soomaaliya sanadkaan sii dhammaanayaa ay ku habsatay Abaar aad u daran taas oo saameysay dadka iyo duunyada, xili lagu sheegay dadka ay saameysay abaarta in ay kor u dhaafayaan 1 milyan oo qof.

Magaalada Minneapolis waxaa ku nool qurba-joogta ugu badan ee Soomaalida meel ka baxsan Afrika, waxaa la filayaa in xafladda ay ka soo qeyb galaan dad lagu qiyaasay 2,500 oo qof, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto dalka Maraykanka, Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey iyo Jamaal Cismaan oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here