Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad ka jeediyay Gunaanadka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo lagu soo gabagabeeyay ayaa ka hadlay muhiimadda ay leeyihiin dhaqangelinta qodobada ay ku heshiiyeen Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada, Dowlad dhiska, Amniga, dib u dhiska Dalka iyo qodobo kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowlad dhisidda Soomaaliya ay soo martay waddo dheer una dhiman tahay, habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha & culeyska jira ayuu ku sifeeyay in la dardargeliyo howlaha shaqo ee heer federaal iyo heer Dowlad-Goboleed horyaalla iyada oo la marayo sida uu Dastuurka u kala siiyay awood ahaan.
Waxa uu bogaadiyay Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka oo labadiisa aqal ay dardargeliyeen Hindise-sharciyeedyo muhiim u ah Dalka, taasi ayuu kala dhex baxay in ay muujineyso sida Hay’adda Xeer-dejinta ay go’an tahay sidii ay shaqadeeda u qabsan lahayd waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
“Dowlad dhisidda Soomaaliya waddo dheer ayay soo martay waddo dheerna way u dhiman tahay, in aan sheey ama labo sheey intaan qabano haddana saddex sano, afar sano ama shan sano ka bacdi sheey & labo kale qabano labadii aan horay usoo qabanay duruufaha lama jaanqaadi karaan iyana hala baddalo ay noqotay waxa ay u muuqataa in uu halkaas gaabis badan naga jiro, Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah waxa ay ku heshiiyeen in howlahaas la dadejiyo, waad aragteen Baarlamaanka Federaalka waxa uu meelmariyay 11 sharci waa markii ugu horreysay taariikhda in hal kalfadhi uu ku meelmariyo 11-kaas sharci” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodob-qodob u dul istaagay heshiiska ay wada gaareen Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada marka laga reebo DG Puntland oo uga baaqay tabasho ay soo bandhigtay, dhinacyada uu faah-faahinta ka bixiyay waxaa kamid ah, Amniga oo uu sheegay in howlgallada ka dhan ah ‘AS’ in uu socdo.
Mar uu Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud soo hadal qaaday Arrimaha bani aadamnimada waxa uu sheegay in Soomaaliya ay kasoo kabaneyso dhibaatooyin xooggan oo ay sabab u yihiin xaaladaha ka dhashay Abaarta, Colaadda & Fatahaadaha rejo ayuu ka muujiyay in Dadka Soomaaliyeed ay helaan qorshe ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkaas.
MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee labadii cisho lasoo dhaafay ka socday Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaana laga soosaaray qodobo ay ku heshiiyeen madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada marka laga reebo DG Puntland oo aanay ka qaybgelin.