Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Dagaalkii sababay dhimashada, Dhaawaca iyo burburka Hanti ee shalay ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa ugu horreyn u tacsiyeeyay Dadkii ehelkooda waxyeellada soo gaartay.

Waxa uu dhinacyada ku dagaalamay Magaalada Garoowe ugu baaqay in ay dhageystaan baaqyada nabadeed si looga fogaado dagaal kale oo sababa dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hanti sida uu hadalka u dhigay.

Advertisement

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in la tixgeliyo rabitaanka Dadweynaha lagana fogaado in xalka lagu raadiyo xabbad waa sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Odoyaasha dhaqanka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in ay u istaagaan joojinta dagaalka si xal loogu helo colaadda labada dhinac oo u baahan in wadahadal lagu soo afjaro xiisaddooda.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wixii looga baahdo Dowladda Federaalka ee la xiriira in ay door ka qaadato xal u helista dagaalkaas iyo in lasoo afjaro khilaafka sababay gacan-qaadka

Previous articleMaamulka Gobolka Banaadir oo Hay’adaha Ammaanka kala hadlay adkeynta Amniga Muqdisho
Next articleKenya oo sheegtay inay soo afjareyso weerarada Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here