Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la xoojiyo Midnimada si looga gudbo dhibaatooyinka kala xirxiray Soomaalida isla markaana si dhab ah looga heshiiyo in aanay markale dib u dhicin wixii tabashadaas sababay.
Waxa uu intaas ku daray in aanay kala raysan Waqooyiga & Koofurta Soomaaliya welina ay taagan tahay baahida midnimada sidaas awgeed aanay laga maarmin wadajirka iyo wax isku darsiga waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
“Way nagu daahday in aan mar hore xalino ayay ahayd oo garowshiyo badan la isasiiyo oo wixii dhacay sidii aanay dib dambe u dhici lahayn laga heshiiyo, Waqooyi nagama raysan anagana kama aanay raysan, Waqooyi waa meel nabdoon horayna waan u bogaadinayay haddana waan bogaadineynaa” ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Dowladdu ay diyaar u tahay waddo kasta oo lagu xalin karo tabashooyinka jira, isaga oo bogaadiyay waxyaabaha ay qabsadeen Gobollada Waqooyi (Somaliland) inta ka harsanna ay tahay arrin u baahan wadajirka.
“Waxa ay qabsadeen ee wanaagga ah waan qireynaa oo ma dafireyno laakiin wixii Soomaali oo isla jirta oo mid ah ay gaari lahaayeen ama ay heli lahaayeen way ka maqan tahay, meesha ay joogaan waxa ka dhiman Soomaali oo wadajirta ayaa lagu gaari karaa iyadana ilaahey idinkiis waddo kasta oo lagu gaari karo waan mareynaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Wadajirta ayuu ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay, markale ayuu soo jeediyay in xoogga la saaro sidii la isugu heyn lahaa Walaalaha Soomaaliyeed si looga gudbo tabashooyinka dhexdooda ah oo xal laga gaari karo haddii si dhab ah looga xaajoodo.