Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayo arrimo xaaladda Soomaaliya si gaar ah qorshaha bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ATMIS, Cunaqabateynta Hubka & taageerada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka xog-warrami doonna xaaladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Qaramada Midoobay hordhigo codsi la xiriira sidii Dalka looga qaadi lahaa Cunaqabateynta hubka ah ee saaran tan iyo 1992dii.
Sababta cunaqabateyntaas in la qaado uu u dalbanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa in la qababeeyo Ciidamada Soomaaliya oo isku diyaarinaya sidii ay ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga Dalka maadaama la qorsheynayo in December 2024 dalka laga saaro ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.
Dowlado badan ayaa si gaar ah u qiimeynayay Muddooyinkii dambe xaaladda Soomaaliya gaar ahaan howlgallada Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda Federaalka & Dadka deegaanka ay ku qabsadeen deegaanno ay muddo maamuleysay ‘AS’.
Wakiilo kala duwan oo indha-indheyn ku sameeyay amniga Dalka ayaa waqtiyo kala duwan soo gaaray Muqdisho, waxa ay la kulmeen xubno kormeer ahaan u qaabilsan oo waddanka jooga si ay uga xog-dhageystaan xaaladda xakameynta hubka ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor fadhiga guud ee looga hadlayo Xaaladda Soomaaliya waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadanayaa madaxda ka qaybgaleysa shirka oo uu mid weliba si gaar ah u hordhigi doonno qorshaha Dowladda Federaalka ee cunaqabateynta Hubka.
Sida qorshuhu yahay, dhammaadka bishaan June 2023 waxaa Soomaaliya laga saarayaa 2,000 oo askari oo kamid ah ciidamada u diiwaangashan Midowga Afrika ee taakulada ka hela Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo fududeeyo qorshaha bixitaankooda ee dhammaadka sanadka 2024.