Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in baaris madaxbannaan lagu sameynayo dagaal ka dhacay Magaalada Baydhabo 23kii December 2022 oo sababay dhimasho, dhaawac & burbur hanti.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in nasiib-darro ay tahay in ciidamada dhexdooda rasaas isaga hor yimaadaan halkii la rabay in ay dagaal wadajir ah la galaan ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay Madaxeyweynaha DG Koofur Galbeed.

Waxa uu sheegay in maxkamad lasoo taagayo cidda yeelata mas’uuliyadda dagaalka ka dhacay Magaalada Baydhabo, halka uu wadahadal ugu baaqay dhinacyada ka aragtida duwan ee diidan sanadka dheeraadka ah uu rabo in uu ku darsado muddo xileedkiisa dhammaaday.

“Dhacdadii ka dhacday Baydhabo waan baareynaa, Aad & aad ayaan uga xumahay, intii dhimatay allaha u naxariisto, kuwa dhaawacmay allaha caafiyo, intii dhibsatay allaha u booga dhayo, iimaankeena waxa uu na farayaa ‘Nabad, Nabad aa naas la nuuga leh’, waxaa inoo fidsan gogol, ciddii wax tirsaneysa ama siyaasad ka hadasha rabta gogoshaas ayay ku sheeganeysaa, Dadka shacabka haloo turo” MW DG Koofur Galbeed.

Siyaasiyiin kasoo jeeda DG Koofur Galbeed oo intooda badan xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedkaas ayaa ku baaqay in la qabto Doorasho maadaama uu dhammaado muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweyne Laftagareen balse Madaxweyne Cabdicasiis aaya damacsan in uu sanad dheeraad ah uu sii joogo xafiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here