Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa sameeyay magacaabis Guddoomiyaal iyo ku xigeennadooda, ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa magacaabay Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Degmooyinka Garoowe iyo Boosaaso, sidoo kale waxa uu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Gobalka Muduga.

Magacaabistaan uu sameeyay Caawa Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ah mid ku meel gaar ah, sida lagu yiri wareegtada ka soo baxday Madaxtooyada Punland.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa u dhigneed sida tan.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 55 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabida Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Degmooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B. Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso

T. Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso.

2. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B. Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe.

T. Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Garoowe.

3. Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here