Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta lagu wadaa in uu Degmada Oog kula kulmo saraakiisha iyo Ciidanka 25kii Agoosto 2023 xoogga looga qabsaday Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Madaxweyne Biixi ayaa saraakiisha iyo ciidamada uu la ballansan yahay kala hadlaya sidii ay dib ugu laaban lahaayeen Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool dagaal xooggan ay uga qabsadeen ciidamada SSC-Khaatumo.

Advertisement

Muuse Biixi waxaa safarkiisa ku wehliya mas’uuliyiin katirsan Xukuumaddiisa, Madaxtooyada, Saraakiisha ciidanka iyo xubno kale oo dhammaan xoogga saaraya sidii ciidanka ku sugan Degmada Oog ay dib ugu laaban lahaayeen saldhigyadii laga qabsaday todobaadkii hore.

Biixi oo garab ka helaya hoggaanka sare ee Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddani & UCID ayaa ballanqaaday in ay jawaab ka bixin doonaan dhibaatadii ciidankiisa lagu gaarsiiyay Gobolka Sool dhammaadkii todobaadkii tegay.

Somaliland ayaa jab weyn kala kulantay dagaalkii ka dhacay Xerada Gooja-cadde iyo deegaanno kale oo katirsan Bariga & Galbeedka Laascaanood, Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay Hub, Gaadiid, Saldhigyo & Maxaabiis uu kamid yahay Taliye Faysal Cabdi Bootaan.

Previous articleRa’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid: “Dowladda waa in lagu garab istaago dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.
Next articleXasan Sheekh oo looga digay in uu la safro Wasiirka Gaashaandhigga !

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here