Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay wafti ay hoggaamineyso agaasimaha Fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain.
Madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cindy McCain ayaa ka wadahadlay horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida.
Cindy McCain ayaa bogaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso barnaamijyada tayeynta cunnada, iyadoo ballan qaaday in WFP shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageeri doonaan in ay gaaran isku fillaansho buuxda.
Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO ayaa bishii hore sheegtay in malaayiin Soomaali ah ay weli waajahayaan cunno yaraan, waxaana qoraal kasoo baxay FAO lagu sheegay in ku dhowaad 6.6 milyan oo qof ay waajahayaan xaalad qalalaase cunto ah ama mid intaasi kasii daran ilaa bisha Juun ee sannadkan.



