HomeWarkiiMarkab Ruushka laga leeyahay oo ku gubtay meel u dhaw xeebaha Turkiga...

Markab Ruushka laga leeyahay oo ku gubtay meel u dhaw xeebaha Turkiga iyo shaki laga qabo in Drons ay gubtay.

Markab nuuca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay Dalka Ruushka ayaa ku qarxay kadib dab uu qabsaday isagoo marayay meel 28 mayl-badeed ka xigta xeebta Turkiga,wuxuuna ku sii jeeday dalkiisa.

Maraakiibta oo laba ah ayaa lagu kala magacaabaa Kairos iyo Virat, waxayna ku sii socdeen dekedda Ruushka ee Novorossiysk, balse intii aysan badaha Turkiga ka dhamaan ayaa mar qura waxaa ka dhacay qaraxyo taasoo shakiga ugu badan ee laga muujiyay ay tahay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drons ay maraakiibta weerareen.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, dalka Turkiga Cabdulkadir UraloÄŸlu ayaa warbaahinta u sheegay in gurmad loo sameeyya shaqaalaha saaran markabka gubtay ee laga leeyahay dalka Ruushka,wuxuu intaas ku daray labada markaba laga bad baadiyay shaqaalihii saarnaa oo midna ay saarnaayeen 25 halka kan kalana ay saarnaayeen 20.

Marka laga yimaado shakiga ah in Drons weerartay hadana si cad looma oga waxa keenay qaraxyada iyo dabka ka kacay labadaasi markab waxaase lagu wadaa in dhawaan saraakiisha Ruushka iyo Turkida ay baaritaan kadib war ka soo soo saari doonaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -