MANDHEERA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo ismaamulka Mandheera ee Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysani toogteem Nabadoon caan ka ahaa dhulka Ismaamulka Mandheera ee ku yaal xad beeneedka Somalia iyo Kenya.

Allaha u naxariistee Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Xaaji  C/rashiid Macow ayaa waxaa dilay rag bistooladu ku hubeysan kuwaasoo markiiba ku baxsaday dhug-dhugleey.

Advertisement

Sidoo kale xiisad Beeleed ayaa laga soo sheegayaa mandhera taasoo ka dhalatay dilka nabadoonka.

Xildhibaanada Somali-kenyaanka ee laga soo doorto Mandhera ayaa ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan islamarkaana xaaalada loo daayo Booliiska.

Xildhibaanada waxay ugu baaqeen Booliiska inay shaqadooda qabsadaan soona qabtaan dhagar qabayaasha si sharciga loo hor geeyo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleGacan ku dhiigle dil ka gaystay Garowe oo la soo qabtay
Next articleMadaxweyne Xasan oo qorshe gaar ah kala hadlay Axmed Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here