MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw Magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jirey Muuse Haarun Aadan ( Maquuni) isaga iyo askari ilaalinayay.

Nin hubeysan ayaa ku dilay Degmada Dayniile xaafad ka tirsan xili uu halkaasi ku sugnaa wuuna baxaaday markiiba inkastoo wararka aan heleyno sheegayaan in la qabtay isagoo baxsad ah.

Advertisement

Nabadoon Muuse Harun Aadan ( Maquuni) wuxuu Nabadoon u yahay Beesha Gaal-jecel iyadoo horana uu mar uga badbaaday isku day dil.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilka gaystay la qabtay isagoo bajaaj ku sii baxsanaya xili uu dhaawac-na qabay.

Taliska Booliiska Somalia ayaa lagu wadaa inay faahfaahin ka bixiyaan dilkaa,siduu u dhacay iyo wararka sheegaya in la qabtay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleTaliye Sulub oo sheegay in lala xisaab-tami doono qof kasta ee jabiya xeerka wada marista
Next articleGanacsade meydkiisa laga helay goobtiisa Ganacsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here