Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in goor dhawayd oo afurkii kadib lagu Dilay halkaas Nabadoon caan ahaa halkaas, kana mid aha ergadii afar sano ka hor soo xushay baarlamaankan waqtigu ka dhamaaday ee 10-aad.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka ay Toogteen Koox ku hubeysan Bastoolado, waxaana la sheegay in lagu dilay agagaarka masjidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ciise Hilowle, waxuuna kamid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka.

Sidoo kale Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka Nabadoon Cabdullahi Hilowle, balse kooxda Al-Shabaab ayaa mudo dheer ugaarsi ku heysay odayaasha iyo ergadii soo dhisay baarlamaankan 10-aad ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here