HomeWarkiiNabadoon lagu dilay Magaalada Balad-xaawo

Nabadoon lagu dilay Magaalada Balad-xaawo

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysani magaaladaasi ku dileen Nabadoon laga yaqaanay halkaasi.

Nabadoonka waxaa lagu magacaabi jirey Aadan Maxamudu Buur-dhuubo oo caan ka ahaa Gobolka gaar ahaan Magaalada Balad-xaawo.

Hay’adaha amniga ee Dowlada Somalia wali kama hadlin  dilka Nabadoonkaani loo geystay , mana jirto cid ay u soo qabteen balse kaliya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku baadi-goobayaan kooxihii ka danbeeyay dilka Nabadoonka Rabi ha u naxariistee.

Lama yaqaan ujeedka dilkaan iyo cida ka danbeysa intaba balse Xaalada Amaanka Balad-xaawo ayaa aad u wanaagsan waxaana gacanta ku haya ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -