Nabadoon Puntland Reer Muqdiaho waa Tuugo kuwa Joowhar Joogana waa Tuygsadaan

0

Waxaan dhageystay Nabaddoon reer Puntland ah oo leh: .”Hirshabeelle oo meelaha loo dawarsado iney isku keen dhereriso maaha”!

Waxaan is dul taagay labada kalmadood ee “DAWARSI” iyo “ISKU DHERERIN”

1-“DAWARSI”

Hirshabeelle qeybo ka mid ah Wabigaa kusoo fataha, Puntland na Duufaanno ayaa ku dhufta oo biyo ayaa qarqiya qeybo ka mid ah.
Labaduba waa masiibo Rabbaaninya Soomaalida kale ayaana usoo gurmadda.
Taas macnaheedu DAWARSI maahee waa IS GARGAAR iyo ISU GURMAD Aaadanaha oo dhan ka dhaxeeya GAALO iyo ISLAANBA.
Ma jiro Maamul heysta Dammaanad ah ineysan musiibo ku dhaceyn.

Sidaas awgeed, hadduu Nabaddoonku ‘is gargaarka bini’aadannimo’ ee soomaalidoo dhan ka dhaxeeya u yaqaan ‘DAWARSI’, mid Abaari ku dhufato, mid Fatahaadi ku dhacdo iyo mid Duufaano ku kacaanba waala wada dawarsadaa ama Gaalo haloo DAWARSI tago ama Muslin kale ha loo dawarsi tagee. WARAN KUGU SOO NOQON DOONA LAMA TUURO.
2- “ISKU DHERERIN”
Horta yaa kala daggan Labada Dowlad Goboleed?
Hirshabeelle Waxaa deggan ama u badan; Xawaadle, Muddullood, Gugundhabe, Reer Shabeelle iyo Shiidle.

Puntland na waxaa dagan ama u badan; Harti, Leelkase, Awrtable,iyo Meheri Ismaaciil.
Halkaas marka ay mareeyso, dhageystayna hadalki Nabaddoonka, waxaan is weydiiyay;YAA LEYSKU DHERERINAYAA YAASE WAX ISKU DHERERINAYA?
Kolley Aniga waa ii caddahay jawaabtee, aan Soomaali Maxamad u daayo warcelinta weydiintaas?


~ Cismaan M Qanyare (Awga)

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here