MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Naftii halige ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa maanta gelinkii hore isku qarxiyay xarunta tababarka ciidamada Xooga Dalka ee Kuliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqishi.
Ninka nafii haliga ah ayaa la sheegay inuu bartilmaameedku ahaa inuu laayo ciidao ka tirsan Dowlada oo ku sugnaa xeradaasi kuliyada jaalle siyaad.
Kooxda Alshabaab oo iyaguna war ka soo saaray dhacdadaani ayaa ugu horeyn waxay sheegteen masuuliyada qaraxa ,iyagoona intaasi ku daray inuu naftii haliga geystay khaasaare badan.
Alshabaab waxay sidoo kale sheeteen in weerarkoodu uu taargad u ahaa saraakiil cadaan ajaanib ah oo tababar siinayay ciidamada Dowlada Somalia,Alshabaab waxay xuseen inay khasaare nafeed gaarsiiyen saraakiisha cadaanka ee tababarka bixinayay.
Dhanka kale Hay’adaha amniga Dowlada wali wax war ah kama soo saarin weerarkaani qarax ee sababay dhimashada iyo dhaawaca sida ay sheegteen kooxda Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
