Qore : Yahya Amir

Nasashada Jimcaha. Q-394

Advertisement

1. Haddii Ciyaarihii la qabiileeyay, Sanadka dambe waxaa la qabanaa Ciyaarta Kooxaha Culimada, isku aadka Kooxuhu waa: Istisaam VS Islaax. Itixaad VS Tabliiq. Takfiir VS Ahlu sunna. Damul hadiid VS Alla sheekh, wahaabiyo VS Shiico. Bidco VS Al Quraaniya. Waxaa jirto koox Culimadda ka mid oo aan cidna la ciyaareeyn oo la ogolaaday in Finaalka ay toos u timaad. ( F.S: 1-2aad)

( Mogadishu Dadka ha la tiriyo haddii la yiraa waxaa jirto Koox iyada aan la tirineeyn oo Finaalka toos u taagan)

2. Nin Reer Miyi ahaa oo aan weligii Kaba gashan ayaa Saaxibadii Kaba u gadeen, Maalintii ugu horeysay ee uu Kaba Gashaday ayuu Masjidka tagay. Laakin Kabtii Midig markuu helay ayuu Kabahii ka aqoonsan waayay tii Bidix. Kadibna waxa uu sheegtay Kabihii oo dhan. (F.S:3aad)

( Koox aan weligeed koob qaadan ayaa waxaa isaga darsamay Guushii iyo koobkii, markaa ayeey Sheegteen Garoonkii, Taageerayaashii, Guriyihii iyo intii ishoodu qabatay in ay iyagu leeyihiin. War Xamaasadda Ciyaaraha yaan la qabiileeyn)

3. Faarax Eedeeye Sakiin ayaa Qof kasta oo gadaashiisa taagan waxa uu ku eedeey jiray in ay iyadu Dhibaato u geeysatay. Markii Dambe ayaa lagu yiri: wax hubso. Waxaa uu ogaaday in Ciladdo ay tahay isla Lugta Faarax. ( F.S: 4aad)

( Dowladii Dan qaran ayaa ogaatay in Dhibaatada maamul ee heysato ay tahay isla Kaadariintiisa isku baheysatay Urur Diimeedka oo Gadaal ka haraatineyso Isla Dowladii ay ka tirsanaayeen)

4. Macalin Dugsi hoose ayaa Ardaydiisii ku yiri, waxaan idin weydiinaa Hal Su’aal oo leh Afar jawaab mid kasta waxaan ku bixinaa 2 dhibcood. Waxa uu ku yiri: waxaad sheegtaa 4 Faa’iido oo caanaha Hooyadu leeyihiin. Arday 8 jir ah ku yiri:

a) Caanaha Hooyadu uma baahno in la karkariyo.

b) Caanaha Hooyada lagaama xadi karo.

c) Caanaha Hooyada mar kasta oo aad u baahato waa helee.

d) waxa ay ku keeysan yihiin Weel soo jiidasho leh.

Macalinkii waxa uu siiyay Ardaygii Dhibacaha Eber. ( F.S: 5aad)

( waa maxaay sababtu?)

5. Wiil yar ayaa lagu yiri: Hooyo tilmaan. Waxa uu yiri:

A) Qolkii ugu horeeyay oo aan seexdu waxa uu ahaa Hooyo Uurkeeda.

B) Makhaayadii ugu horeeysay ee aan wax ka cabo waxa ay aheyd Hooyo Naaskeeda.

C) Musqushii ugu horeysay ee aan usticmaalo waxa ay aheyd Hooyo Dhabteeda oo aan ku kaadiyay.

D) dugsigii ugu horeyay ee aan galo waxa uu ahaa Halka Hooyo Cuntada iigu diyaariso.
E) Macalinkeeygii iigu horeeyay waxa uu ahaa Hooyo.

F) Dhakhtarkii iigu horeyay waxa uu ahaa Hooyo.

G) “Thermometer ” kul cabir jireedkii iigu horeeyay ee Kul jirkeeyga lagu cabiray waxa uu ahaa Hooyo Faraheeda.

H) Saaxiibkii iigu horeeyay waxa uu ahaa Hooyadeey.

I) Qofkii ugu horeeyay ee Dhar ii labiso waxa uu ahaa Hooyadeey.

J) Gaarigii ugu horeeyay ee aan raaco waxa uu ahaa Hooyo Dusheeda. ( F.S: 6aad)

( Maxaad ku dari leheyd)

6. Haweeneey ayaa tiri: Haween kale ayaa iga qabtay Deyn. Weeyna ii keeni weeyday Deyntii ay iga qabtay. Maalin ayaan wacay 21 Mar, waxaan u qoray 6 Fariin. Maalintii xigtay 34 Mar ayaan wacay. 12 Fariinna waan u qoray. Usbuuc ayaan sidaa ku waday marna iima jawaabin.
Maalintii Dambe ayaan fikiray. Waxaan u qoray Maanta waxaan arkay Ninkaagii oo Gabar aad u qurxan Gaariga ku watay oo ay ka wada qadeynayaan Baar.
Waxa ay i soo wacday 40 mar 30 Daqiiqo gudahood, waxa ay ii soo qortay 18 Fariimood. Uma jawaabin. Ugu dambeeyn waxa ay igu tiri, Hadda ayaan kuu soo diraa deyntii aad igu leheyd. Gaariga aayaan shidaal ku soo shubanaa waana kuu imaanaa. Laba daqiiqo kadib waxaa arkay Lacagtii oo la iigu soo shubay Account-keyga. Kadibna waxa ay i soo wacday. Kama qaban. Mobilkeyga ayaan dansaday waana iska seexday. ( F.S:7aad)

( Naag, Naag kale ayaa lagu lisaa, Naag Naag kale ayaa fahmi karto. Run miyaa?)

Qore : Yahya Amir

Previous articleGudoomiyaha Maxkamada Ciidamada oo sheegay in Xabsi yari ay ka jirto Muqdisho
Next articleMaamulka Galmudug oo beeniyay in ciidamo badan Alshabaab ku dileen Caad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here