Netanyahu ayaa isagoo ku sugan dhismaha gaarka ah ee Trump ee Mar-a-Lago, wuxuu waraysi uu siiyay NewsMax oo ah warbaahin ku dhow maamulka Trump , wax laga way diidayay sababta uu Somaliland u aqoonsaday, isagoo ku tilmaamay “bulsho Muslim ah oo dhexdhexaad ah, isla markaana leh nidaam dimuqraadi ah,kuwaasoo doonaya inay xiriir dhow la yeeshaan Israa’iil, kuna biiraan heshiisyada Abraham.”
Wuxuu tilmaamay Somaliland oo 6 milyan oo qof ku noolyihiin inay wax badan kaga wanaagsantahay inta kale ee Soomaaliya oo lagu qabto doorashooyinka dimuqraadi ah , halka Soomaaliya intee kale ay tahay goob ay argagixisadu joogto oo aan muddo laga qaban doorashada guud, wallow aan la xasuusin in doorashooyinka guud ee Soomaaliya aan waqtigooda la gaarin oo doorashooyinka dimuqraadi ah qeybo ka mid ah la qabtay sida middii ka dhacday Puntland iyo tan dawladaha hoose ee Muqdisho, hadana wuxuu yiri ; “Maxaa loo taageeri waayay bulsho Muslim ah oo dhexdhexaad ah, dimuqraadi ah, isla markaana doonaysa inay ku biirto heshiisyada Abraham?”, isagoo intaas ku daray in Israa’iil ay diyaar u tahay inay noqoto dal hoggaamiya arrintan haddii loo baahdo.
Netanyahu, waxaa kaloo uu caddeeyay in go’aankan uu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo ay Israa’iil, oo uu weheliyo Maraykanka, oo lagu doonayo ballaarinta heshiisyada Abraham si ay u gaaraan dalal kale oo Muslimiin u badan, kana baxsan Bariga Dhexe.
