HomeWarkiiNatenyahu oo ka aqbalay Trump qorshihiisa cusub ee Nabada Qaza

Natenyahu oo ka aqbalay Trump qorshihiisa cusub ee Nabada Qaza

Hogaamiyaha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u aq-balay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee joojinta Dagaalka Qaza iyo Dowlad dhiska reer Falastiin kadib kulan ay wada yeesheen saacadihii ugu danbeeyay markaasoo ay warbaahinta la hadleen shirkooda kadib.

Labada Odey waxay saxaafada u sheegeen inay ku heshiiyeen qorshe cusub oo nabad lagu soo dabaalayo dhulka marinka Qaza oo mudo dagaalo ay ka socdeen islamarkana dadka reer Falastiin laga dhigay mid madfac lagu dilo ,mid toogasho ah nafta lagu dhaafiyo mid gaajo u dhinta.

Qorshahaan Nabadeynta Qaza oo sidaan oo kale hore Trump uga soo dhaadhaaciyay Dalal Carabta ka mid ah iyo dalal kale oo Muslimiin ugu danbeyna waxaa hada aqblay Natanyahu balse waxaan wali aqbalin  Dagaalamayaasha Xamaas madaama qofobada lagu heshiiyay ay ku jirto in Dowlada loo dhisayo reer Falastiin inay Xamaas wax door ah ku yeelan doonin iyo kuwa ugu daran oo ah in hubkana laga dhigo lana duugo godadka waa weyn ee Xamaas.

Hindisaha Donald Trump waxaa la mid ah in Xamaas sii deyso maxaabiista Yuhuuda inta nool iyo inta dhimatay halka Yuhuuduna soo deynayaan maxaabiis reer Falastiin ah oo 200  ka badan kuwaasoo badankood xbasi daa’in ku xukuman yihiin.

Saraakiisha Xamaas waxaa la sheeegay in la gaarsiiyay qorshaha iyo heshiiska uu Mareykanku hor boodayo oo ka kooban 20 qodob waxaana laga sugaayaa inay jawaab sida ugu dhaqsiyaha badan ka soo saaraan qorshaha Mareykanka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -