Nairobi, September 21,2023: Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamijka deyn-cafta Soomaaliya, oo labadii toddobaad ee la soo dhafay ka socday magaalada Nairobi.
Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha Deyn Cafinta, oo arrimaha ugu muhiimsan ay ka mid yihiin dib-u-habeynta iyo sare u qaadda dakhliga Dowladda iyo hufnaanta maamulka maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo shirkaan soo xiray, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay barnaamijka ECF wajigiisii 6-aad oo ah heerkii ugu dambeeyay, Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay in horumar muuqda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka samaysay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda,ayna sii wadi doonaan dadaaladaasi si Deyn Cafinta dhammaystir loo gaaro dhammaadka sanadkaan 2023.
Shirkaan maanta la soo gabagabeeyay intii uu socday waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah Hay’adaha Dowladda, sida Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo Hey’adda Warbixinada Maaliyadda.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA
May be an image of 11 people, table and daisMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and tableMay be an image of 6 people, table and dais
Previous articleDowlada oo guul ka sheegatay dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud
Next articleMadaxweynaha Jubaland oo shir maanta gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here