Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Natanyahu ayaa wareysi uu siiyay wariyayaasha intuu Mareykanka joogay ayaa wax laga weydiiyay arinta aqoonsiga Somaliland wuxuuna carabkiisa ku adkeeyay inay ka go’an tahay aqoonsiga ay siiyeen reer Somaliland isagoona diiniyan aad u amaanay.
Natanyahu wuxuu sheegay in reer Somaliland ay yihiin 6 Milyan dad ah islamarkaana ay ka yihiin Muslimiin qunyar socod ah ,sidoo kalana ay yihiin dimuquraadiyiin mar kasta doorasha qabsada.
Soomaalida kale ee Koofurta ayuu ku sheegay inay yihiin xag-jiriin diinta ku ad-adag oo argagxisada Al-shabaabna ay la joogaan,sidoo kalana wax doorasha ah aan qabsan isagoo ku eedeeyay inay fowda yihiin.
Hadalka Natanyahu oo ujeedkiisu yahay kala qeybinta Soomalida muslimiinta wada ah ee sidoo kalan isku afka ah ,isku dhaqanka ah,waxay dhibaato ku noqoneysaa mustaqbalka Somaliweyn hadii aan hada laga hortagin gaar ahaan waxay dhibaato ku noqon kartaa shacabka maamulka Somaliland diiniyan iyo duniwiyan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
