Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku amray ciidamadiisa Milatariga inay weeraraan Magaalada Rafax ee ku taal dhanka xuduuda Masar.

Netanyahu ayaa iska diiday dalabyo badan oo dunida uga yimid kuwaasoo la doonayay in lagu baajiyo weerarka dhanka dhulka oo Netanyahu rabo inuu ku galo Rafax.

Advertisement

Shalay jimcihii ayuu amrey Milatarigiisa inay  weerar dhulka ah ku galaan Magaalaada Tafax oo isla Gaza ka tirsan.

“Afar goobood oo Rafax ka tirsan waa daruuri inaan weerarno taasoo inooga xiran guul inaan ka gaarno dagaalka Gaza”ayuu yiri Netanyahu.

Dhanka kale sida warbaahinta reer Galbeedku shegeen Netanyahu wuxuu ku taliyay marka hore in shacabka laga saaro Rafax si ay dirirta uga badbaadaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Somalia iyo Turkey oo kala saxiixday heshiis Amni
Next articleMaxaa looga hadlayaa shirka saaka uu leeyahay Baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here