Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu bixin doono ogolaanshaha ugu dambeeya ee qabsashada magaalada Gaza isagoo sidoo kale dib u bilaabaya wada xaajoodka Xamaas ee looga golleeyahay in lagu soo celiyo dhammaan maxaabiista harsan iyo soo afjarida dagaalka ku dhawaad ​​laba sano jirsaday.
Isagoo la hadlayay askarta meel u dhow Qaza Khamiistii, Netanyahu wuxuu cadeeyay inuu weli u socdo qorshayaasha ay ku qabsanayaan magaalada Gaza, oo ah xarunta ay dadku ku badan yihiin ee xudunta u ah falastiiniyiinta.
Qorshaha Israa’iil waxaa ku jirta in si qasab ah lagu barakiciyo ku dhawaad ​​1 milyan oo qof oo ku nool marinka Qaza si loo waayo wax ka hor yimaada islamarkaana markaas uu u gumeyso falastiiniyiinta.
Netanyahu Ujeedka uu heshiiska Xamaas ka leeyahay ayaa ah kaliya in loogu soo daayo maxaabiista ay wali heystaan dagaalamayaasha Xamaas inkastoo dhex dexaadiyayaasha uu u sheego inuu diyaar u yahay heshiis waara.
Ciidamada Israel ayaa horey u kordhiyey weerarada ay halkaasi ku qaadaan, waxaana kumanaan Falastiiniyiin ah ay isaga baxeen guryahoodii iyadoo taangiyada Israel ay ku sii siqayaan magaalada Gaza 10-kii maalmood ee u dambeeyay.
Xamaas ayaa sheegtay horaantii todobaadkan in ay ogolaatay soo jeedin xabad joojin ah oo ka timid dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar, taas oo hadii ay aqbasho Israel ay ka hortagi karto weerarka.
Ciidanka Israa’iil ayaa qorsheynaya in ay u yeeraan 60,000 oo kayd ah oo ay kordhiyaan adeegga 20,000 oo kale.
Soo jeedinta miiska saaran ayaa ku baaqaysa xabbad joojin 60 maalmood ah iyo in la sii daayo 10 maxaabiis ah oo ku nool Gaza oo ay gacanta ku hayaan Xamaas iyo 18 mayd ah. Dhanka kale, Israa’iil waxay sii deyn doontaa ilaa 200 oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ay haysato Israa’iil.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
