JERUSALEM (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay weerari doonto Rafah, halkaas oo boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ah ay gabaad ku jiraan.

Hadalka Natanyahu ayaa u muuqanaya mid uu kaga naxsanayo dhamaan dunida Carabta,Muslimiinta iyo inta nabada jecel kuwaasoo rajeynayay in shacabka Rafax la badbaadiyo.

Advertisement

laakiin weerarka wax yar ayuu dib u dhigi doonaa Ra’iisulwasaaraha Yuhudua haddii heshiis maxaabiis ah la gaaro.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, UNRWA, ayaa sheegtay in markii ugu dambaysay ee ay awooday in ay cunto geyso waqooyiga Qaza ay ahayd 23-kii January, iyada oo dib u cusboonaysiisay baaqyada beesha caalamka ee ah in ay oggolaadaan gargaar dheeraad ah oo la siiyo dhulka Falastiin si looga hortago macluusha.

No description available.

Cunug yar oo sita raashiin xilli mid kale uu isku dayayo in uu wax badan ka badbaadiyo talaajad ku dhex jirta gurigooda burburay, ka dib duqeymo habeenimo ah oo Israel ka geysatay Rafah ee koonfurta Marinka Gaza maanta oo taariikhdu tahay 25-kii February.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Kenya +SAWIRRO
Next articleDhakhtar u dhashay Norwey “Masiibo maaha waxa Gaza ka dhacaya ee waa dhibaato Yahuudu geysanayso”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here