HomeWarkiiNetanyahu oo qabtay kulan uu kaga hadlayo qorshihiisa inuu qabsado marinka Qaza

Netanyahu oo qabtay kulan uu kaga hadlayo qorshihiisa inuu qabsado marinka Qaza

TEL AVIV (DAYNIILE.COM)-Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo bilhii ugu danbeeyay reer Gaza go’doomiyay islamarkaana saaray cunuqabateyn dhanka gar gaarkii raashinka ee la soo gaarsiin jirey, dawada iyo shidaalka ayaa kulan uu dhawaan qabtay wuxuu kaga hadlay wajigiisa labaad ee ah qorshaha uu doonayo inuu ku qabsado guud ahaan marinka Qaza oo ay ku xoogan yihiin dagaalamayaasha Xamaas ee aadka u hubeysan

Netanyahu wuxuu wadaa la tashiyada dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo militariga si uu wajiga labaad isugu dayi lahaa inuu xoog ku qabsado Qaza inkastoo hadii ay u sahlan tahay uu mar horaba qabsan lahaa, inuu Gaza qabsado iska daaya xitaa waxay ciidamadiisu awoodi waayeen laheytayaasha Xamaas hayan inuu si xog ah ku soo daysto.

Inkastoo qorshahaan danbe uu daba ka riixayo oo dhiiri-gelin cad oo banaanka taal la garab taagan yahay Madaxweynaha Mareykanka oo warbaahinta si toos ah uga sheegay inay doonayaan in Qaza laga saaro shacabka u dhashay islamarkaana loo gacan gelinayo Yuhuuda taasoo dunida oo dhan la yaabtay xili dalalka Islaamka ay ka hor imaadeen qorshahaasi.

Sidoo kale waxaa jira khilaaf xooggan oo ka dhex jira golaha amniga ee Israa’iil iyo qaar wasiirada ka mid ah kuwaasoo ka soo hor jeeda siyaasada Netanyahu oo ay badankood u arkaan qorshe uu doonayo inuu xukunka ku dheereysto.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -