Ra’isulwasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa mar kale ka soo muuqday Warbaahinta isagoo u muuqda inuu aad uga niyad jabay dagaalka madaama sidii ay rabeen isaga Trump ay wax noqon waayeen xili Milateriga Iran gaar ahaan kuwa Cirka ay casharo u dhigeen Mareykanka iyo Yuhuuda.
Netanyahu oo booqday Isbitaalada ay yaalaan dadka Yuhuuda ah ee ku dhaawacmay gantaalada Iiran ayaa markaan hadalo quus oo kale ah ku hadlay ,wuxuu sheegay inay rajeynayaan in shacabka Iiran inay ridaan Dowladooda isagoo markaas ku tilmaamaya inay Dowlada Iran inay tahay mid kaligi-talis ah.
Ra’iisulwasaaraha wuxuu quustiisa ku cadeynayaa ineysan iyagu awoodin wixii ay ku haminayeen oo ahaa inay si sahaln ku burburiyaan Dowlada Iran taas badalkeeda wuxuu hadalkiisa dhamaan ku soo celcelinayaa in kaliya hadafkooda oo ah burburka Dowlada Iran ay u rumeyn karaan shacabka.
“waa in shacabka Iiraan ay burburiyaan xukunka kaligii-taliyaha,taasna waxay ku xirnaan doontaa iyaga” ayuu yiri Netanyahu
Dagaalka markuu bilaabanayay Trump iyo Netanyahu waxay aad u aaminsanaayeen in Dowlada Iran ay degdeg ku burbureyso hadii ay dilaan Hogaamiyaha ugu sareeya Iiran Ayatulah Cali Khumani balse geeridiisa markii la xaqiijiyay Iiran waxay Hogaamiyaha ku soo badaleen hogaamiyaha wiilkiisa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
