XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga caanka ah ee kooxda Santos iyo xulka qaranka Brazil, Neymar Jr, ayaa shaaca ka qaaday hammigiisa ku aaddan tartanka Koobka Adduunka ee 2026, kaas oo lagu wado inuu xagaagan ka furmo waddamada Mareykanka, Canada, iyo Mexico.
Neymar ayaa carrabka ku dhuftay inay riyadiisu tahay inuu arko labada xul ee ugu awoodda badan qaaradda Koonfurta Ameerika oo ku loolamaya ciyaarta ugu dambeysa ee koobka adduunka.
Neymar ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa in finalka Koobka Adduunka 2026 ay isugu soo haraan xulalka Brazil iyo Argentina. Isagoo arrintaas ka hadlayay, wuxuu yiri: “Final dhex mara Brazil iyo Argentina! Waxay ahaan lahayd wax layaab leh.” Xiddigan ayaa sidoo kale rajo weyn ka muujiyay inuu qayb ka noqdo tartankaas, isagoo sheegay inuu sidii ciyaaryahan kasta oo kale ugu hammuun qabo ka qaybgalka munaasabaddaas weyn.
Sida ay sheegayaan wararka, Neymar ayaa hadda sugaya in macalinka xulka Brazil, Carlo Ancelotti, uu ku daro liiska ciyaartoyda ku meteli doonta Brazil tartanka foodda nagu soo haya. In kasta oo uu wajahay dhaawacyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay, haddana rajada laga qabo inuu garoomada ku soo laabto ayaa ah mid aad u sarreysa, gaar ahaan ka dib markii uu ku laabtay kooxdiisii caruurnimo ee Santos.
Maadaama uu yahay saaxiib dhow oo uu xiriir qoto dheer kala dhexeeyo Lionel Messi, final dhex mara labadan dal ayaa noqon doona mid taariikhi ah oo ay indhaha ku hayaan malaayiin taageerayaal ah oo ku baahsan caalamka.
XIGASHO LAACIB.NET
