GURI-CEEL (DAYNIILE.COM)- Allaha u naxariistee Deeq Cabdi Jaamac ayaa la soo sheegayaa in xalay aano qabiil loogu dilay Magaalada Guri-ceel ee Gobolk Galgaduud taasoo daba socota colaad beeleedyo bilahaan danbe ka jirtay deegaanada Galmudug.
Shacabka ku dhaqan Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud ayaa dilka markii uu dhacay islamarkiiba waxay qaadeen talaabo muhiim ah oo ku dayasho mudan kadib markii ay si iskood ah Hay’adaha amniga garab ugu siiyeen in la soo qabto eedeysanaha dilka ka danbeeya.
Boliiska Guriceel oo garab ka helayay shacabka waxay si buuxda ugu guuleysteen inay soo qabtaan eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdifitaax Cali kaasoo loo heysto inuu toogtay Marxuum Deeq Cabdi Jaamac Rabi ha u naxariistee.
Si kastaba eedesane gacan ku dhiigle Cabdifitaax Cali waxaa lagu wadaa inuu sharciga la horgeeyo si loogu qaado danbigiisa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM


