HomeWarkiiNin Aano Qabiil loogu dilay Waqooyiga Gaalkacyo

Nin Aano Qabiil loogu dilay Waqooyiga Gaalkacyo

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa inay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ku dileen nin shacab ahaa oo ku sugnaa goobtiisa ganacsi xili sababtana lagu saleeyay arimo la xiriira aanooyinka qabiilka ee waqtiyadan danbe ka taagnaa Gobolka Mudug/.

Kooxaha dilka fuiiyay ayaa goobta ka baxsaday sida xogta aan ku helnay walow Hay’adaha amniga Gaalkacyo ay sheegeen inay ku raad joogaan gacan ku dhiiglayaasha islamarkaana ay sharciga hor geyn doonaan marka ay soo qabtaan.

Allaha u naxariistee ninka la dilay oo lagu magacaabi jirey C/casiis Cali Barre Afeey ayaa la soo sheegayaa inuu ahaa shaqsi ka mid ahaa bulshada aad looga yaqaan magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Sanadahaan danbe waxaa aad ugu soo badanaya Gobolada Dalka falalka dilalka aanooyinka qabiilka salka ku haya iyadoo maamulada, Hay’adaooda ammnga iyo waxgaradkaba ay marar badan heshiis dhex dhigaan beelaha is haya balse mar kasta waxaa ayaan daro in falalkaani foosha xun ay soo noq noqonayaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -