HomeWarkiiNin boorso ku watay walxaha qarxa oo lagu qabtay Nairobi

Nin boorso ku watay walxaha qarxa oo lagu qabtay Nairobi

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Dalka Kenya ayaa shaaciyay inay xalay ku qabteen Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya nin boorso ku watay walxaha laga sameeyo qaraxyada kadib baaritaan ay ku sameeyeen.

Sarkaal u hadlay Booliiska ayaa xusay in ciidamadu xalay ka shikyeen ninkaasi dhaq dhaqaaqiisa kadibna ay baaritaan ku sameeyen balse markii ay boorsada eegeenba ay ku arkeen walxaha laga sameeyo qaraxyada sida budada iyo 21 qarxiyayaal ah,sidoo kale waxay sheegeen inay boorsada ka heeleen fiilo 5 mitir ahayd.

Taliska Booliiska wuxuu intaasi ku daray inay xabsiga ninkaasi ku xireen xabsiga xaafada Islii ee Nairobi kadibna isaga wareejiyeen ciidamada Kenya ee gaarka u ah la dagaalanka argagaxisada.

Kooxda qaabilsan la dagaalanka argagaxisada ayaa lagu wadaa inay warbixin buuxda ka soo saari doonaan ujeedka ninkaasi walxaha qarxa lagu qabtay oo dhowr iyo labaatan jir ah,sidoo kale ciidamada waxaa lagu wadaa inay soo kala cadeeyeen inuu ajanabi yahay iyo inuu Kenya u dhashay madaama booliisku bixin xogtaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -