MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka ayaa lagu cadeeyay inay Maxkamada Gobolka Banaadir u gud-biyeen kiiska eedeysane Cali Cabdi Sheekh Khadar Dhaga-diish oo ku eedeysan inuu dhawaan god ku riday kuna duugay sedex caruurtiisa ka mid ah iyagoo nool.
Falka ninkaani oo ahaa mid jiliin ah oo aan ahayn dhacdo run ah ayaa lagu faafiyay baraha bulshada sida ay qiratay hooyada dhashay caruurtaasi oo dhanka kalana qiratay inay iyadu fikrada lahayd.
Hooyadaani oo codsatay in ninkeeda loo soo daayo ayaa bulshada u soo bandhigtay godka oo ay ka qodeen guriga gudihiisa iyo banaankiisa xili labada god isku furnaayeen,hooydaan waxay muuqaalka ku tustay bulshada in marka cunuga lagu rido uu markii ka sii baxayay godka dhankiisa kale balse dadka loo tusay in ilmaha lagu aasay godka iyagoo nool, taasina ay keentay in Booliisku soo xiraan aabaha dhalay caruurta ee falkaasi been abuurka ahna sameeyay.
Si kastaba halkaan ka akhriso dacwada xeer ilaalintu ka gudbisay aabahaan eedeysanaha ah oo dhawaana wajahaya maxkamadeynta:-

