HomeWarkiiNin doonayay inuu ku biiro Daacish-ta Somalia oo lagu qabtay dalka Swdeden.

Nin doonayay inuu ku biiro Daacish-ta Somalia oo lagu qabtay dalka Swdeden.

STOCKHOLM (DAYNIILE.COM)-Dowlada Swdeden ayaa shaacisay inay qabatay oo xabsigana dhigtay nin doonayay inuu u safro Somalia si uu ugu biiro dagaalamayaasha Daacish ee fadhigoodu yahay Somalia gaar ahaan Gobolka Bari oo ay ka dagalaamaan.

Ninkaan wuxuu heystaa dhalashada Dalka Sweden balse wuxuu asal ahaan ka soo jeeda dalka suuriya, sidoo kale ninkaan wuxuu ku eedeysan yahay falal kale sida inuu xubin ka yahay ISIS ama Daacish,isku day uu dhaqaale ugu diri rabay iyo inuu bartay walxaha qarxa sida loo arsameeyo

Ninkan u dhasay dalka Suuriya islamarkaana ah 23 jir waxay Hay’ada danbi oogista ama garsoorka Dalka Sweden ku soo oogeeyn isku day laba jeer inuu u safro dalka Somalia ,argagaxesenimo iyo inuu isku dayayay lacago inuu  diro Daacish.

Edeysanahaan Somalia rabay inuu usoo socdaalo dhanka maalgelinta waxaa la sheegay inay tahay isku day kaliya isagoo adeegsanaya lacagta digitalka ee loo yaqaan Kiribto.

Dacwad oogaha dalka Sweden Carl Mellberg wuxuu tilmaamay in ninkaani sanadihii2023-kii iyo 201-kii  uu sameeyay isku daygiisa ugu horeeyay ee uu ku doonayay in uu ku galo dalka Soomaaliya isagoo 2024-kii rabay inuu Sucuudiga ka sii galo Somalia balse labada jeerba waa la xirey.

Sidoo kale dacwad ooge Carl Mellberg wuxuu u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ninkaani labada jeer ay Dowlada Itoobiya xuduuda ku qabatay 2023-kii halka Dowlada Somalia ay qabatay isku daygiisii labaad ee 2014-kii

Si kastaba Ninkaan eedeysanaha ah oo aan lagu heyn wax cadeyn ah wuxuu iska barai yeelay dhamaan eedaha kaga yimid Dowlada Swdeden oo uu galay sanadkii 2013-kii isagoona wax ku bartay dalkaasi islamarkaana ka shaqeysanayay ilaa iyo xiligaasi.

Maxkamadeyntiisa waxay bilaaban doontaa saddexda bisha soo socoto ee Desember, waxayna soconeysaa saddex maalmood.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -