HomeWarkiiNin Ethiopian ah ayaa lagu riday xukun ah inuu Faraxumeeyay gabar 14...

Nin Ethiopian ah ayaa lagu riday xukun ah inuu Faraxumeeyay gabar 14 jir ah dalka Britain.

Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa ku heshay dambi Hadush Gerberslasie Kebatu, oo ku dhashay Itoobiya, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu xadgudub ku sameeyay gabar 14 jir ah iyo haween kale oo ku sugnaa magaalada Epping oo ku taal UK.

Kebatu, oo dalka ku soo galay doon yar oo uu kasoo raacay dalka France kana soo talaabay bada u dhaxaysa France iyo Britain oo ka
mid ahaa dadka lagu dejiyay hoteelka Bell Hotel oo ku yaal magaalo aan ka fogayn London ayaa lagu helay dambi ah inuu isku dayay kufsi, afar jeer oo kalana uu gaystay xadgudub iyo aflagaaddo, iyo inuu carruur ku yidhi hadallo anshax xumo ah, sida in uu “ilmo ka dhali doono mid kasta.”

Garsooraha maxkamada Christopher Williams ayaa sheegay in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in carruurtu been abuureen.

Waxa uu sheegay in eedaysanaha Kebatu uu filan karo xabsi degdeg ah marka la xukumo 23-ka bishan September.

Kebatu oo xiran isla markaana adeegsanayay turjubaan, wax falcelin ah muu muujin markii dambiyada lagu helay.

Arrintan ayaa dhalisay caro ka dhalatay bulshada xaafada u dhow ee uu deganaa Bell Hotel iyo dibadbaxyo ka dhacay hotelka hortiisa, halkaas oo boqolaal muhaajiriin ah la dajiyay oo somali qaxooti ahi ay ka mid yihiin.

Booliska Britain waxay ku amaaneen gabdhaha iyo dadka kale ee dhibbanayaasha ah sida ay uga shaqeeyeen in runta maxkamadda la horgeeyo.

Dhanka kale, xildhibaanada xisbiga Conservative ayaa kiiskan u adeegsaday dhaliil ku wajahan siyaasadda dawladda Britain ee qaxootiga, iyagoo sheegay in dadka si sharci darro ah ku soo gala dalka ay tahay in isla markiiba la xiro lana masaafuriyo si deg deg ah. Arrintan ayaa saamayn wayn ku yeelanysa dadka u qaxay Britain.

WAXAA QOREY:  WARIYE RIDWAAN XAAI C/WELI

May be an image of 1 person and car
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -