Nin Ganacsade ah oo laga yaqaano Gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay deegaan u dhexeeya Dhuusa-mareeb iyo deegaanka Godinlabe.

Marxuumka waxaa lagu magacaabi jirey Cali-kaafi Axmed Faarax oo ku magac dheeraa Tilimbo waxaana uu ka soo jeedaa Degmada Cadaado.

Advertisement

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkaani oo jidka loo galay uu sabab yahay aano qabiil uuna daba socdo dilalkii hore uga dhexeeyay beelo walaalo ah oo reer Galmudug ah.

Laamaha amaanka Maamulka Galmudug kama hadlin dilkaani soo kordhay madaama deegaanada dhibaatadaani ka taagan tahay ay tahay halka ay madaxda ka yihiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleShirkii Xildhibaanada iyo Laftagareen ee Dastuurka ku saabsanaa oo Maanta la soo xiray+SAWIRRO
Next articleQM oo Somalia ugu Hambalyeysay ku biiritaanka Dallada Bariga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here