MUQDISHO (DAYNIIIILE.COM)-War ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Hay’adaha amnigu qabteen galabta nin gacan ku dhiigle ah oo dil gaystay.
Ninkaan ayaa gowracay wiil uu adeer u yahay, waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ee Gobolka Banaadir.
Falkaan oo ah mid laga argagaxo ayaa dhacay qorax dhicii galabta saacaduna ku abaarneyd Abaaro 5:40pm, waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Wiilka la dilay uu  ahaan jiray 8 sanno jir kaasoo ugu danbeyn ku baxay gacanta adeerkiis waana fal dadku ka naxeen.

Si kastaba Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa hada gacanta ku haya eedeysanaha iyo kiiskiisa waxaana ;lagu wadaa inay talaabooyin sharci qaadi donaan marka baaritaanado soo dhamaadaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 1 person and text

Previous articleMadaxweynaha Masar oo si cad u sheegay inuu difaacayo Somalia
Next articleMaxaa ka jira in xuska Ciida Gaalada lagu qabtay Magaalada Jigjiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here