Waxaa la xiray nin isku deyay inuu u dhowaado naxashka meydka Boqorad Elizabeth II, kaas oo yaalla hoolka Westminster.

Ninka la xiray ayaa kamid ahaa dadweynaha safka ugu jiray inay arkaan naxashka Boqoradda iyagoo sagootinayay Boqoradda.

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in xariga ninkan ay ku timid sharciga nidaamka dawliga ah, iyagoo xusay in xabsiga la dhigay ninkaasi.

Waxaa si kedia ah loo jaray tebinta tooska ee sagootinta Boqoradda dhacdadan awgeed.

Boqoradda ayaa waxaa la aasi doonaa Isniinta soo socota.

Howlaha aaskeeda ayaa ka dhici doona hoolka Westminster Abbey, ooo xajmigiisu yahay 2,200 oo qof.

Office Nairobi kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here