KIAMBU (DAYNIILE.COM)-Ismaamulka Kiambu ee Dalka Kenya waxaa laga soo wariyay dhacdo la yaabkeeda iyo naxdinteedaba leh taasoo ah in nin Kenyan ah uu adeerkiis u dilay sabab la xiriirta ciyaartii sabtidii 20-ka bishaan dhex-martay kooxaha kubada cagta ee Mancherster United iyo Chelseal.
Sida ay sheegtay idaacada Star FM ee codka Waqooyi Bari Kenya Ninka gacan ku dhiiglaha ah iyo adeerkiis waxay isla daawanayeen ciyaarta asbuucaan u dhexeysay labadaasi koox oo ay guusha raacday Manchster United kadib muran ka dhashay taageerenimada.
Gacan ku dhiiglaha oo magaciisa lagu sheegay James Mbugua ayaa tooreey ku dilay adeeriis oo isna lagu magacaabi jirey Stephen Njoroge, sidoo kale sababaha dilka marka muranka laga yimaado ayaa waxaa ka mid ah in goobta lagu daawanayay ciyaarta ayba ahayd goob khamriga lagu iibiyo.
Booliiska ayaa hada wada baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan waxa dilka keenay xili banooni la daawanayay, waxaa lagu wadaa in maxkamada loo gubiyo dilaaga waaridkiisa ku dilay tooreyda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
