Camaadi Sheekh Cabdiziiz oo la dhashay hooyo Luul Sheekh Cabdicasiis oo habeen hore uu gubay ninkeeda ayaa la hadlay BBC somali wuxuuna ka sheekeeyay dhacadaasi xamlnuunka badan oo walaashiis jir dil iyo gubid la isugu daray.

Ninkaani wuxuu sheegay in walaashis Luul Sheekh Cabdicasiis  lagula daweynaayo qeybta xaaladaha culus ee isbitaalka Digfeer.

Advertisement

“Walaashay Luul xaladdeedu waa mid culus. Hadda waxaa ay ku jirtaa koomo qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka Digfeer, dhaqaatiirta ayaana la tacaalaya” ayuu yir Camaadi.

Waxaa uu sheegay in ninka walaashiis dabka qabad siiyay ay is guursadeen muddo hadda laga joogo lix bilood, aysan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

“Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay” ayuu hadalkiisa sii raaciayay.

Previous articlePuntland iyo Galmudug oo ka wada hadleen Iskaashiga Amniga 
Next articleArimo Qatar ku ah Dalka iyo sirro la xiriira damaca Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here