Muqdisho (dayniiile.com)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka Magalada Muqdisho ay xalay qabteen islamarkaana xabsiga dhigeen Ibraahim Rooboow Cali oo la dhashay Sh.Mukhtaar Rooboow Cali oo ah wasiirka Diinta Aw-qaafta.
Si rasmi ah looma oga ujeedka loo xirey laakiin warar ayaa sheegaya inuu soo galay raad musuq maasuq la xiriira madaama u u ka mid yahay raga ka shaqeeya arimaha Xajka.
Wasiir Muktaar Rooboow ayaa la hadal hayaa inuu gacan yare u yahay islamarkaana uu hor boodo arimaha Xajka gaar ahaan dhaqaalaha laga helo shirkadaha.
Bilihii gu danbeeyay waxaa lagu soo badanayay masuuliyiinta dowlada ee loo heysto musuq maasuq inay ku kaceen iyadoo maxkamadaha lagu arkaayay iyadoo qaarna la xukumaayo halka qaarna dib xoriyadooda loogu celinaayo marka lagu waayo danbiga loo heystay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM