HomeWarkiiNin la sheegay inuu dhintay oo maalin ka dib markii la aasay...

Nin la sheegay inuu dhintay oo maalin ka dib markii la aasay dib ugu soo laabtay gurigiisa

=XIGASHO BBC SOMALI=Godwin Baguma

Dadka ku nool degmada Masindi Municipality ayaa si weyn uga naxay kadib markii nin la sheegay inuu dhintay uu dib u soo noqday isagoo nool, saacado yar kaddib markii la aasay mayd loo malaynayay inuu isagu yahay.

Sida ay sheegtay Warbaahinta Daily Monitor, Godwin Baguma oo deganaa deegaanka Kijana wa Kijura ee gobolka Bartamaha Uganda, ayaa la waayey dhowr toddobaad, taasoo walaac weyn ku abuurtay qoyskiisa iyo deriskiisa.

Qoyskiisa ayaa sheegay in Baguma, oo la sheegay inuu qabay xanuun dhanka maskaxda ah, uu si lama filaan ah uga baxay guriga isaga oo aan cidna u sheegin, taasoo keentay in si weyn loo baadi-goobo.

Arrintu waxay is beddeshay dhammaadka toddobaadkii la soo dhaafay, markii qoysku helay war sheegaya in booliisku ay Jimcihii ka heleen mayd si xun isu badalay oo laga helay beer ku taalla deegaanka Kisanja.

Maydkaas ayaa loo qaaday qolka maydka ee Isbitaalka Masindi, halkaas oo la dhigay ogeysiisyo loogu talagalay dadka ay ehelkoodu maqan yihiin si ay u yimaadaan oo u aqoonsadaan maydka.

Aaska ayaa si rasmi ah loo sameyay.Baguma wuxuu ku sugnaa tuulo deris la ah halka qoyskiisu deganyihiin, xilliga ay qabanayeen aaskiisa.

“Waxaa naloo sheegay in maydku aad u burburay. Wiilashaydu way tageen waxayna u aqoonsadeen inuu yahay walaalkood. Waan rumaysannay oo waxaan aqbalnay inuu dhintay,” ayuu yiri Kamuturaki

Kadib xaqiijintaas, qoysku si degdeg ah ayay u diyaariyeen aaska sababo la xiriira maydka oo aad isku beddalay. Warka ku saabsan geerida Baguma ayaa si degdeg ah ugu faaftay Kijura iyo deegaannada ku xeeran, taasoo keentay in dad badan ay tacsiyayaan oo yimaadaan guriga qoyska.

Aaska ayaa dhacay Axaddii, iyadoo qoysku qorsheynayay in maalintii xigtay ee Isniinta la qabto xafladda aaska rasmiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, murugada qotoda dheer ayaa isu beddeshay yaab iyo jahwareer. Markii la bilaabay diyaarinta aaska kama dambaysta ah Isniintii, waxaana soo baxay warar sheegaya in Baguma lagu arkay isagoo nool tuulada Kihanguzi ee deegaanka Labongo, degmada Masindi.

“Markii hore wararka waan iska indho tiri jirnay. Hore ayaan u aaseynay maydka. Laakiin waxaan go’aansannay inaan hubinno,” ayay tiri Jane Birungi oo ah walaashiis Baguma.

Waxay sheegtay in xubnaha qoyska ay si degdeg ah u tageen deegaankaas, halkaasna ay ka heleen Baguma oo nool, isagoo seexanaya guriga saaxiibkiis.

“Markii aan aragnay, waan naxnay. Ma rumaysan karin inuu yahay isagii oo nool,” ayay tiri Birungi.

Baguma ayaa isla markiiba loo qaaday guriga qoyska, taasoo joojisay dhammaan diyaargarowgii aaska ee socday.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -