MUQDISIO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Degmada wada-jir ee Muqdisho ka dhacday dil aad looga argagaxay markii nin dhalinyaro ah uu saaxiibkiis Baangad ama faas  si xun ugu dilay.

Allaha u  naxariistee ninka la dilay oo la dhihi jirey C/fataax waxaa jirkiisa ka muuqda dhibaatooyin waa weyn oo misaarta lagu gaarsiiyay .

Advertisement

Ciidamada Booliiska ayaa gacanta ku dhiyay gacan ku dhiiglaha  kadibna xabsiga ayay u taxaabeen si sharciga loo hor-geeyo.

Gabar la dhalatay gacan ku dhiiglaha ayaa u sheegtay Tv-ga Universal in walaalkieed mudo 7 sano ahba uu xabuunsnaaa islamarkaana madaxa looga jirey.

“Walaalkeey iyo aabaheey ayuu marar kala duwan faash la dhacay,dhowr marna waa la xirey mar kastana hooyadey ayaa dhaheysay hala soo daayo”ayay tiri Gabadha la dhalatay gacan ku dhiiglaha.

“Walaalkeey markii uu dhameeyay wax barashada ayaa siminaar loogu direy Magaalada Hargeysa laakiin wuxuu noo soo laabtay isagoo dhimirka ka xanuunsan,wixi markas ka danbeeyay ilaa hada wuu xanuunsan yahay”ayay mar kale tiri gabadha la dhalatay gacan ku dhiiglaha.

Dadka Xaafada ayaa soo buuxdhaafiyay guriga uu dilka ka dhacay ee Waaxda Xalane Drgmada Wada-jir ee Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Masuuliyiin faderaal iyo hishabelle isugu jira oo booqday biya xireenka wabiga Jowhar
Next articleMaxaa ka jira in Garoomada diyaaradaha Somaliland laga maamulayo Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here