JALALAQSI (DAYNIIILE.COM)- Nin dhalinyaro ah ayaa Maseyr dartiis wuxuu xaaskiisa ugu dilay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada amaanka Degmada Jalalaqsi ayaa gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiiglaha dilka gaystay waxaana lagu hayaa xabsiga Sida ay sheegtay Idaacada Shabelle.

Advertisement

Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Allaha u naxariistee Maryama Nuur Mayle halka gacan ku dhiiglaha oo ninkeedii ahaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdullaahi Cismaan.

marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maryama Nuur Mayle, ayada oo eedeysanaha oo ah Seygeeda lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Cismaan, kaas oo haatan lasoo xiray,

Soo qabashadiisa waxaa gacan ka gaystay shacabka ku dhaqan Xaafada uu dilku ka dhacay ee Degmada Jalalaqsi.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleUrurka Suxufiyiinta Caalamka oo ku baaqay in xabsiga laga sii daayo Gudoomiyaha MM Somali TV
Next articleMareykanka oo mar kale ka hadlay Damaca Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here