Nin Hindi ah oo dhakhaatiirtu ay sheegeen in uu dhintay ka dib shil gaari oo uu galay ayaa qoyskiisu ka war heleen in uu neefsanayo oo wali uu noolyahay, ka dib markii hal habeen uu ku baryey qaboojiyaha madaydaka la galiyo.

Srikesh Kumar ayaa loola cararay cisbitaalka ka dib markii meel u dhow magaalada Delhi ay ku dardartay mooto dhugdhugley ah.

Waa lagu dhawaaqay in uu dhintay isla markii la geeyey xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay ka dibna waxaa loo sii gudbiyey cisbitaal ay dowladdu leedahay si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.

Hase ahaatee markii qoyskiisa iyo booliisku ay yimaadeen lix saac ka dib waxay la kulmeen Mr Kumar oo wali neefsanaya.

Ninkaas ayaa haatan la dawaynayaa balse wali miyirkiisii ma soo noqon.

Baaritaan ayaa ku socda sababta dhakhaatiirtu ay sida khaladka go’aanka ugu gaareen in ninkaasi uu mayd yahay.

Office Nairobi Kenya

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here