SYDNEY (DAYNIILE.COM)-Nin 60 jir ah ayaa toogasho ka gaystay dalkii lagu sheegi jirey inuu Dunida ugu amni fiican ee Australia kadib markii uu rasaas badan ku furay wado mashquul badan oo dad badana ay ku sugnaayeen xiligaasi , waxayna booliisku ku qiyaaseen rasaasta uu riday ilaa 0 baalooto.
Inta laga war hayo waxaa goobta ku dhaawacmay 15 ruux oo uu ku jiro qo xaaladiisa culus tahay sida ay Booliisku sheegeen, odeygaan ayaa markiiba la qabtay wuxuuna hada ku jiraa gacanta hay’adaha amniga ee Magaalada caasimada ah ee Sydney oo ah halka uu dhibaatada ka gaystay.
Dambi baarayaasha ayaa lagu waday in ay wareystaan eedeysanaha maanta oo isniin ah, xilli ay raadinayeen sabab ka dambeysay dhacdada toogashada ah, oo ah dhacdo naadir ah oo ka dhacda Dalka Australia.
Toogashada oo ahayd habeenkii axadda ayaa argagax ku abuurtay dadka ku dhaqan Xaafada Croydon Park, ee Magaalada Sydney iyadoo tuhmanuhu uu si aan kala sooc lahayn uga soo toogtay daaqadda guriga baabuur marayay laamiga xaafadda, Booliska ayaa la wareegay meesha rasaastu ka dhacday oo ahayd meel mashquul badan.
“Waa wax cajiib ah in qofna uusan dhiman,” ayuu yiri ku simaha taliyaha booliiska New South Wales, Stephen Parry,mar uu qabtay shir jaraa’id.
Dhibanaha aadka u daran dhaawiciisa oo ahaa nin 50 jir ah ayaa laga toogtay qoorta iyo laabta,Waxa loo qaaday cusbitaalka isaga oo xaaladiisu aad u liidato,halkaas oo lagu sameeyay qalliin degdeg ah,sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Australia.
14-ka qof ayaa dhaawacyadoodu xaalad kala duwan ku jiraan kuwaasoo dhamaantood goobaha caafimaad wax loogu qabtay, xili qaarkood dhaawacyadoodu fudud yihiin sida kuwo muraayadaha baabuurta ay jirka ka galeen iyo kuwo shoogay oo kaliya, Eedeysanaha ayaa sidoo kale loo qaaday Isbitaalka madaama latigiisu dhaawac yahay, markii la daweeyay ayaa la xirey.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


