Nin u dhashay dalka Hindiya, oo lagu helay dambiga ah inuu dilay xaaskiisa ka dib markii la ogaaday inuu sabab u ahaa inuu maska qaniino, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in oo dhif ah.

 

Sooraj Kumar ayaa la xiray sannadkii hore kadib markii xaaskiisa Uthra ay u dhimatay qaniinyo maska nooca loo yaqaano kobraha.

 

Booliiska ayaa bilaabay baaritaanka kadib markii qoyskeeda ay ku eedeeyeen dilka gabadhooda, iyagoo sheegay in Sooraj uu ku dhibaateyn jiray meherkeeda.

Isniintii, maxkamad ayaa ku heshay dambi ah in uu maska kobraha ku sii daayay sariirtii ay jiiftay Uthra oo markaasi hurday.

 

Gabadhan oo 25 jir ahayd ayaa meydkeeda laga helay gurigeeda bishii May ee sanadkii hore.

 

Qoyskeeda ayaa shaki galay sababtoo ah gabadhooda waxaa toddobaadyo ka hor markaasi qaniinay maskii ugu horreeyay abid waxayna ka soo kabanaysay dhaawicii uu u geystay ka hor inta uusan qaniinin maska kobraha oo nolosheeda galaaftay.

 

Boolisku waxay sheegeen in baaritaankooda uu tilmaamay in Sooraj uu ka dambeeyay labada mas ee qaniintay xaaskiisa. Waxay sidoo kale xireen nin ka caawiyay inuu soo iibsado masaska inkastoo markii dambe uu booliska ka caawiyay inay kiiska caddeyn u helaan.

 

Sida laga soo xigtay LiveLaw, oo ah website dhanka sharciga ah, booliisku waxay galeen ilaa 1,000 bog waxayna faahfaahiyeen shirqoolka ballaaran ee Sooraj qorsheeyey ka dibna uu hirgeliyey.

 

Dacwad-oogayaasha waxa ay ku doodeyeen in kiiskan uu ka mid yahay kuwa “dhifka iyo naadirka ah” waxayna dalbadeen in dil lagu xukumo eedaysanaha.

Garsooraha ayaa ku raacay inuu yahay kiis dhif iyo naadir ah wuxuuna ku xukumay Sooraj xabsi daa’in sidoo kale wuxuu ku amray inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $ 6,635 oo doolar.

 

Dad tiradooda lagu qiyaasay 1.2 milyan oo ruux ayaa qaniinyada masaska ugu geeriyooday dalka Hindiya gudihiisa muddadii 20-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay, sida ay muujisay daraasad cusub.

 

Ku dhawaad kalabar ka mid ah dadka dhintay waxay da’dooda u dhaxeysay 30 ilaa 69 sano, afar meeloo meel ka mid ahna waxay ahaayeen carruur, sida ay daraasadda caddeysay.

 

Saddex nooc oo ka mid ah masaska, oo uu ku jiro midka loo yaqaanno kobra ayaa sabab u ah dhimashada ugu badan. Tirada kale ee soo hartay waxaa dilay ugu yaraan 12 nooc oo kale oo masas ah.

 

Weerarro badan oo masaska ay geysteen ayaa durbadiiba isu baddalay dhimasho, maadaama goobaha ay ka dhaceen ay yihiin meelo miyi ah oo aan si dhakhso ah looga heli karin adeeg caafimaad.

 

Maska Hindiya ku nool ee loo yaqaanno krait waxaa dabeecadihiisa ka mid ah in maalintii uusan weerar sameynin laakiin habeenkii uu aad khatar u yahay.

Wuxuu dhirirkiisa gaari karaa ilaa 1.75m, oo u dhiganta (5ft 9in).

 

Maska kale ee loo yaqaanno Kobra ayaa isagana dhaqdhaqaaqiisa badiya xilliyada mugdiga, wuxuuna sababaa dhiigbax gudaha jirka ah. Qofka uu qaniino ayaa durba geeriyoon kara haddii lasiin waayo gargaar caafimaad oo deg deg ah.

 

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in muddadii u dhaxeysay 2001 ilaa 2014 ay 70% ka mid ah qaniinyada masaska ka dhacday siddeed gobol oo kala ah: Bihar, Jharkhand, Madhya Pradesh, Odisha, Uttar Pradesh, Andhra Pradesh (oo uu ku jiroTelangana, oo gobol cusub ah) Rajasthan iyo Gujarat.

 

Celcelis ahaan khatarta uu qof Hindi ah ugu jiro inuu u geeriyoodo qaniinyo mas ka hor inta uusan gaarin da’da 70-ka ayaa lagu qiyaasay 1-kii qof oo ka mid ah 250 qof oo kasta. Laakiin meelaha qaar halistaas waxay gaareysaa 1-kii qof ee ka mid ah 100 qof oo kasta, sida ay daraasadda muujisay.

 

Khubarada waxay sheegeen in buldhooyinka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka ay halista ugu weyn ugu jiraan qaniinyada masaska, gaar ahaan xilliga ay jiraan roobabka fatahaada sababa.

 

Waxay sheegeen in goobahan ay tahay in la geeyo dad shacabka ku nool ka wacyi galiya khatarta masaska, sidoo kalena bara xeelado sahlan oo ay uga badbaadi karaan qaniinyadoosa.

 

Waxyaabaha la bari karo waxaa ka mid ah habab ay beerahooda ku falan karaan iyagoo ka badbaadaya masaska. Wacyigalinta ay soo jeediyeen khubarada waxaa ku jira in dadka lagu dhiirrigaliyo inay xirtaan gabo adag, gacmahana galoofis gaashadaan marka ay beerahooda falanayaan.

 

Qaniinyada masaska ayaa hadda ah “arrin dunida oo dhan lagala tacaalayo” sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Addunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO.

 

Saraakiisha WHO ayaa sheegay in dhibaatooyinka la xiriira sunta masaska ay ka mid yihiin kuwa ugu waaweyn ee hadda ka jira, cudurro halis ahna sababa.

Inta u dhaxeysa 81,000 ilaa 138,000 oo qof ayaa sanad walba caalamka ugu geeriyooda qaniinyada masaska, sida ay sheegtay WHO.

 

Tiro intaas saddex jibbaarkeed ah ayaan u dhimanin qaniinyada masaska, laakiin ku naafooba.

BBC

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here