HomeWarkiiNin Xaasikiisa oo 7 caruur u dhashay ku dilay Degmada Gol-dogob

Nin Xaasikiisa oo 7 caruur u dhashay ku dilay Degmada Gol-dogob

GOLDOGOB (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Degmada Gol-dogob ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dil aad looga naxay markii aabe Somaliyed uu toogtay xaaskiisa caruurta u dhashay.
Ninkaan ayaa toogtay xaaskiisa oo 7 caruur ah u dhashay taasoo dadka deegaanku aad uga naxeen madaama falkaasi oo nuuciisa oo kale aanu hore u dhicin, lamana yaqaan sababta keentay in ninkaasi xaaskiisa .
Inkastoo sabab rasmi ah aan la shaacin hadana wararka qaar ayaa sheegaya inuu jirey khilaaf soo kala dhexgalay labada lamaane oo ugu danbeyn ku riixday ninkaasi inuu xaaskiisa gacantiisa ku dilay.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiinta maamulka degmada Goldogob ee Gobolka Mudug marka la eego dhacdadaani qaracanka leh.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -